Waxaan ka hadli doonaa Suuq geyn (Marketing).
Waa shaqadii igu horaysay dhanka suuq geynta aan ka shaqeeyo, sanadka waa 2014.
Shirkada aan u shaqayn jiray waxa la oran jiray hashtag#Masno_Inc waxay qaban jirtay samaynta website Design, Hosting, Domain registration iyo samaynta Softwares ka.
Hadaba waxaan rabaa markaad suuq geyn tahay maxaa faa’iido kaa soo gelaya.?
1. Inaad ku baratid dad masuuliyiin ah.
2. Inaad ku baratid samirka iyo dulqaadka.
3. Inaad ka heshid aqoon iyo khibrad.
4. Inaad ku biirtid shirkada hadaad shaqadaada wanaagsanaado.
Hadaba shirkada aad u shaqaynaysid iyagana maxay kaa faa’iidayaan.?
1. Inaad ku soo xirtid macaamiil.
Suuq geynt (Marketing) ma leeyahay mushahar.?
Shirkada maxay kaa rabtaa Tools ama aqoon.
1. Inaad Style ka iska dhistid.
2. Inaad diyaarsatid wixii qarash ee Suuq geyntaada ku baxayso.
3. Inaad la timaatid Tools kaaga sida.
a) ID
b) Business Card.
c) Registration Customers
d) Stickers
4. Inaad qofka kale dhaadhicin kartid ama aad aqoon durugsan u leetahay waxaan aad iibinaysid hadii su’aal lagaa waydiiyo xitaa ka jaawabi kartid.
5. Aqoonta muhiim maaha sida jaamacada lakin waa inuu ka dhisan yahay xirfadaha sida wuxuu iibinayo.
Mushahar (Salary) iyo mushahar la’aan (Volunteer) waad ka helaysaa,
Sidoo kale Voluntary oo guno yar isagana waad ka helaysaa.
Dadka inta badan ay shirkadaha qaataan waa kuwee suuq geynta.?
Inta badan waxay qataan dadka aan hore u soo shaqaynin sababtoo ah mushahar kuma shaqaynayaan lakin waxay heli doonaan warqad (Recommendation), hadii shirkada shaqaale qaadanaysana waa nasiib kaas na.
Ugu danbayn waxaan post u soo dhigay ayaa ah in Suuq geynta tahay meesha kowaad ee indhaha ku kala furi kartid, Shirkadaha isku mid maaha lakin waa inaad adiga ad adayg noqotid si aad ugu guulaysatid shaqadaada.
News & Events
Post with no breadcrumbs