Waxaan idinka sheekaynayaa faa’iidada ay leetahay sumcad shakhsiyadeed (Personal brand).
Inaad dhistid sumcadaada sidoo kale ilaashatid adiga ayay faa’iido ku tahay, hadaba faa’iidada maxay tahay.?
Waxa ugu yar ee faa’iidada ay ku leetahay ayaan ku sheegayaa.
1. In lagu aamino
2. Inaad noqotid qof bulshada ku kalsoon tahay.
Waa labada ugu yar ee aan oran karno waan ku fahmaynaa Personal branding ka, hadaba waxaan idin siinayaa labo tusaale oo aan aniga igu saabsan si aad ugu tusaale qaatadaan.
A) Aniga hada Computers aan iibiya waxaan ka soo qaataa shirkad bakaaro ku taalo runtii shirkadaas wlhi been iyo faan igama aha waxay i soo siisaa Computers, lacagtiisa gaaraysa $1,170, computer ka marka layga iibsado waan celiyaa lacagtooda anigoo ka goosanaya $10 ama $5 oo commission saartay.
Hadaba shirkadaas ii aamintay ma garanayso qoladayda sidoo kale gurigayga,
Waxay igu aamintay ayaa ah Personal brand.
B) tusaalaha labaad, waxaa layga iibsadaa Computers ama courses ardayda ama macaamiisha iga iibsada waxay kala joogaa Somalia πΈπ΄ , Ethiopia πͺπΉ iyo aduunka kale π dadkaas lacagta ayay ii soo diraan anigana waan u diraa si kalsooni ku dheehan tahay iyo aaminaad.
Hadaba hadii aan ahaan lahaa qof la sawiran ama Videos kula jira dad nolosha ka dhacay tuugo ah beenayaal ah miyaa lay aamini lahaa waxa la oran lahaa waar waa tuug waa beenaale, sumacadii qofeed ayaa halkaas ku dhiman lahaa.
Ugu danbayn waxaan ugu talo galay post kan inaan ku dhiirageliyo dhalinyarada inay ilaashadaan sumcadooda oo ay dhistaan noloshooda inta badana ay racaan qof sumcad ku leh bulshada si ay uga faa’iidaan aqoon iyo magac.